Hordhac

 Hordhac




Somalida waxay ku kala nool yihiin, qurbaha iyo dhulka Soomaaliya. Soomaalida badankooda waa dad reer guuraah ah, waxaana lagu yaqaanaa, xoolo dhaqasho, sida ariga iyo geela iyo Lo'da. Soomaalida waxay ahaayeen dad ku dagaalama daaqqa xoolaha iyo Biyaha ama si kale hadaan u dhigo waxan aan odhan karna baad iyo biyo. Dadka soomaaliyeed waxaa dibadda uhaajiray ku dhowaadb ilaa iyo 5 Malyan. maadaamaa dalku ku jiray in kabadan 20 sano oo dagaal ah, Dhanka diinta soomaaliya waxaa aad awood ugu leh suufinimada. suufiyada soomaali xoogaa waa ka duwan yihiin suufiyada dalalka qaarkood inkastoo ay aqoonta diintuu ay sii yaraanayso . waayadii hore markii ay soomaaliya nabad ahayd iskuulaad iyo jaamacado badan ayaa ku yaalay dalka soomaaliya. dhaqaalaha dalkana kor ayuu u socday. Soomaalida waxay ganacsi la lahaayeen wadamada carabta iyo aasiya iyo yurub.. dagaaladi Soomaaliya siday u bilaabmeen , waxaa dhacday in ay soomaliduu isku dilaan qabiil dartiis iyo is fahmi la aan.. maanta Soomaalida dhibaato ayay ku sugan yihiin meelkasto ay joogaan.Waxaana keenay dulmiga ay ayaguu isku gaysteen Soomaalida boqolkiiba 30 waa qaxooti oo wadamada kaley ku kala nool yihiin. waxayna u badan yihiin wadamada Itoobiya, kiinya, jabuuti, kanada, Mareykanka, Iswiidhan, Denmark, Finland, Jarmalka, Talyaaniga, Shiinaha iyo wadamo kale oo aan la tiri karin.

Comments

Popular posts from this blog

Tfb

Soomaalida